War Cusub Oo Ka Soo Shirkad Shidaal Ka Baadhay Somaliland

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy oo ka mid ah Shirkadaha hawlaha shidaal-baadhista ah ka wada Somaliland, ayaa Arbacada Maanta ku dhawaaqday Inay khasaartay $ 35.7 Milyan oo dollar.

Shirkadda Genel Energy PLC ayaa sheegtay inay hakisay lacagihii saami qaybsiga, isla-markaana ay khasaartay nuskii hore ee sanadkan, ka dib markii ay xidhmeen dhuumo shidaal oo muhiim ah.

Shirkadda Shidaal-soo-saarka ee fadhigeedu yahay London isla-markaana hanti wax-soo-saar ku leh Kurdistan, Somaliland iyo Marooko, ayaa sheegtay inay khasaare hawleed soo gaadhay, kaasi oo dhan USD35.7 lixdii bilood ee u horreeyay sannadkan 2023.

Shirkadda oo sannadkii hore ee 2022 faa’iidday USD140.7 milyan, ayaa sannadkan lixdii bilood ee u horreeyay khasaartay, ka dib markii uu wax soo saarku hoos u dhacay 56%, taasi oo u dhiganta 13,440 foosto oo saliid ah maalintii, halka celceliska qiimaha saliiddu uu hoos u dhacay 26%, taasi oo ka dhigan in foostadii shidaalka ahayd ee lagu iibinayey 108 dollar hoos ugu dhacdo 80 dollar.

Madaxa fulinta ee Genel Energy Paul Weir ayaa sheegay in xidhitaanka dhuunta isku xidha Ciraaq iyo Turkiga bishii March ay dhaawacday dakhligii soo galay.

Sidaa awgeed, Genel waxay sheegtay inay hakisay barnaamijkeedii Saami-qaybsiga.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office