Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Socdaan Dedaallo Lagu Soo Afjarayo Dablayda Gacan-libaax

0

Sheekh (Arabsiyo) – Xukuumadd Somaliland, ayaa ka hadashay Warar lagu sheegay in gelinkii hore ee Maanta Dablay ku jirta Buurta Gacan-libaax ay rasaaseeyeen Wefti uu hoggaaminayey Badhasaabka Gobolka Saaxil, kuwaasi oo marayey deegaanka Isku-dar oo u dhexeeya Go’da weyn iyo degmada Sheekh.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdillaahi (Cali-casse) oo markii isaga iyo Weftigiisu gaadheen Degmada Sheekh la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay In aanay waxba ka jirin Wararka sheegay in la rasaaseeyay.

Badhasaabku waxa kale oo uu ka hadlay ujeeddada rasmiga ah ee Ciidamada RRU-da loo geeyay degmada Go’da weyn, waxaanu sheegay inay amniga dadka Shacabka ah sugayaan, wax tallaabo ahna aanay u qaadaynin dhanka Dablayda.

Waxa kale oo uu sheegay inay socdaan dedaallo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka sababay in dablaydu gasho buurta Gacan-libaax, waxaanu rejo ka muujiyey in xal rasmiya la gaadho.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office