Calooshood U Shaqaystayaasha Ruushka Oo Taageeray Afgambiga Niger

0

Russia (Arabsiyo) – Madaxa kooxda Wagner ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin, ayaa u muuqda inuu soo dhaweeyay afgambiga Niger.

Shirkad xiriir la leh calooshood u shaqeystayaasha ayaa baahisay fariin maqal ah oo la sheegay in ay ka timid Mr Prigozhin.

Codkan oo aan la xaqiijin sax ahaanshihiisa ayaa wuxuu ku tilmaamay la wareegidda militariga inay tahay la dagaalanka gumeystaha.

Ciidamada Wagner ayaa ka howlgala dhowr wadan oo Afrikaan ah, halkaasi oo lagu eedeeyay in ay gabood fallo ka geysteen.

In kasta oo uu horseeday weerar fashilmay oo ka dhacay Ruushka bishii hore, Mr Prigozhin wuxuu u muuqdaa inuu usii wado shaqadiisa si xor ah.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office