Dacwad Dil Sababi Karta Oo Lagu Soo Oogay Ardayad Aflagaadaysay Nebi Muxumed

0

Mauritania (Arabsiyo) – Maamulka dalka Mauritania, ayaa ardayad dhigata dugsiga sare ku soo oogay dacwad dil ah oo suurtagal ah, kadib markii ay ku jeesjeestay diinta Islaamka oo ay ku muujisay warqadeeda imtixaanka.

Gabadhan ardayada ah ayaa la xidhay toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH.

Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil.

Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka.

Sida uu dhigayo sharcigii hore, dadka ku jees jeesa ama aflagaadeeyay Islaamka, lama siin doono ciqaab dil ah haddii ay qirtaan oo ay toobad keenaan.

Balse, 30-kii sano ee la soo dhaafay, ma jirto cid dil lagu xukumay oo isla dambigaas lagu helay.

Ardayaddan oo lagu eedeeyay inay Nabi Muxamed aflagaadeeyay ayaa 10 maalmood ka hor ay ciidamada sharcigu ku xidheen magaalo lagu magacaabo Atar oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee dalka Mauritania.

Kadib markii la xidhy ardayadda, qoyskeeda, ayaa qoraal ay u qoray wargeys, waxay ku sheegeen in gabadhooda ay haysato dhibaato dhanka maskaxda ah, waxayna codsadeen in loo naxariisto.

Xadhigga ardayga ayaa lagu dhawaaqay kadib markii maamulka diinta ee Mauritania ay go’aamiyeen in dadka aflagaadeeya Nebi Muxamed ay mudan yihiin in dil lagu xukumo.

Culimada Islaamka ee dalka Mauritania, ayaa todobaadkii hore meel mariyay qaraarka diini ah, kadib markii Madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Ghazouni uu ka codsaday hoggaamiyayaasha caqiidada inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan kuwa aflagaadeynaya diinta Islaamka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office