Donald Trump Oo Aaminsan Inuu Ka Guulaysan Karo Biden

0

USA (Arabsiyo) – Donald Trump, ayaa kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Jamhuuriga u sheegay in uu yahay musharaxa kaliya ee ku guuleysan kara doorashada sanadka soo socda wuxuuna soo jeediyay in taasi ay tahay sababta uu u wajahayo eedeymo kala duwan oo isugu jira dambiyo iyo mid madani ah.

Mr Trump ayaa ka khudbeynayay xaflad lacag aruurin ah oo ka dhacday Iowa, isaga iyo rag kale oo rajo ka qaba doorashada Madaxweynaha.

Shaqsi kale oo la tartamayey xubnahii hore ee Kongareeska Texas Will Hurd ayaa dadkii daawanayey ku ooriyey isagoo leh madaxweynihii hore wuxuu mar kale u tartamayey xilka si uu xabsiga uga baaqsado.

Dacwad oogayaasha federaalka ayaa ballaadhiyay baadhitaankooda ku aaddan Mr Trump, sida uu u maamulay dukumentiyada dowladda kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad, laakiin weli waa musharaxa ugu cadcad musharaxnimada Jamhuuriga.

Wuxuu ku adkeystay inuu sii wadi doono ololaha xitaa haddii lagu xukumo mid ka mid ah eedeymaha dembi ee uu wajahayo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office