Boorama (Arabsiyo) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal uu uga furmay Shirkeeda sannadlaha ah.

Shirkan oo ay Wasaaradda Beeraha ku wehelinayaan Madaxda Hay’adda FAO oo ay wada-shaqayn leeyihiin, ayaa waxa lagu dersayaa, laguna diyaarinayaa Qorshe hawleedka 5 sano ee soo socda.

Qorshahan istaraatiijiyadeed ee Wasaaraddu diyaarinayso, ayaa la jaan-qaadaya Qorshaha guud ee horumarinta Qaranka Somaliland (NDPIII).

Shirkan oo muhiim u ah Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Qaranka isla-markaana soconaya 27 – 28-ka July 2023, ayaa waxa Hoteelka Saw ee Boorama ka furay isla-markaana guddoominaya Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Waxa xusid mudan, inay shirka joogaan Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Beeraha, sida Agaasimaha guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.









