Ciidamada Qaranka Oo Madaafiic Ku Garaacay Fadhiisamada Huwanta Laascaanood

0
Laascaanood (Arabsiyo) – Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa Maanta jawaab kulul ka bixiyey Hoobiyeyaal Kooxaha Huwanta ahi ku tuureen Fadhiisimadooda duleedka Lascaanod

Ciidamada Qaranka Somaliland oo heegan buuxa ugu jira difaaca Dalka iyo Dadka, ayaa Hubka culus ku garaacay goobaha ay Maleeshiyaadka Nabad-diidku kaga sugan yihiin Laascaanood, ka dib markii Huwantu ay Abaaro 4:30 galabnimo Hoobiyeyal ku tuureen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Millateriga Somaliland oo ku qalabaysan Hub casriya, ayaa garaacay bartilmaamedyadii Huwantu hubka kaga soo tuureen.

Wararka halkaa ka soo gaadhay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa sheegay in Madaafiicdaasi ay khasaare laxaadle gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaafiicda Ciidamada Qaranku ay sababeen in Maleeshiyaadku ay ka qaxaan fadhiisimadii ay hubka ka soo tuureen.

Warbaahinta taageerta Nabad-diidka Laascaanood ku sugan, ayaa Madaafiicda ay tuureen ku sheegay In lagu Bartilmaameedsaday Saldhigga Gooja-cadde oo ah Taliska ugu weyn Fadhiisimada Ciidamada Qaranka, laakiin Warbaahinta Arabsiyo News oo xaqiiqada warkaa ka daba tagtay, ayaa xidhiidh la samaysayn Ciidamada Qaranka ee Aaggaas ku sugan.

Askari ka mid ah Ciidamada Qaranka oo ay noo suurto-gashay inaanu wax ka waydiino waxa ka jira Sheegashada Warbaahinta Huwanta, ayaa sheegay in Huwantu aanay wax hub ah ku liishaamin Saldhigga Gooj-cadde, isla-markaana xitaa aan laga maqal dhawaaqa Madaafiicda Maleeshiyaadku ridaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Huwantu aanay Haysan Qori hagaagsan oo PM ah oo gaadhi kara Gooja-cadde, sidaa awgeedna Sawirka PM-ka ee ay baahiyeen uu yahay been-abuur.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office