Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka doorashada ka taagan iyo filashadiisa la xidhiidha wixii dhici kara.
Madaxweyne Biixi oo Caawa khudbad ka jeediyey Bandhig Hargeysa loogu sameeyay Buug laga qoray Madaxweynihii hore ee dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isagoo si dadban uga dareen-celinaya Dablayda diiddan doorashada ee Buurta Gacan-libaax gashay, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in aanay dhacayn wax amniga dalka waxyeeleeya oo dhaafsiisan Xafiiltan siyaasadeed oo uu xusay inay timaado xilliyada ay la galayo doorashooyinka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu wax ka tilmaamay shaqsiyadda Axmed-siilaanyo oo isaga xilka ku wareejiyey 2017-kii.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









