Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo 8-aad ee dugsiyada Hoose dhexe oo Maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxaana uu Madaxweynuhu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo ka mid ah imtixaanka ka bilaabmay dalka oo dhan.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay tirada ardayda ee sannadkan imtixaanaadka shahaadiga ah gelaysa, waxaana uu sheegay inay sannadkan u fadhiisanayaan 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000 (Lix iyo toban kun) oo arday oo dugsiga sare ah, waxa sidoo kale ku jira 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool oo ay gobolkooda xaaladi ka jirto, kuwaasi oo imtaxaankooda loo qiimayn doono.

Waxa kale oo xusid mudan in ay sannad imtixaanaadka u fadhiisteen ardayda baahiyaha araga qaba, waxaana imtixaanaadka looga fadhiistay 300 oo goobood oo dalka ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna Madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa ardayda u duceeyey, kulana dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba, waxaana uu yidhi “Imtixaanka waa la soo wada maray, laakiin wuxuu la mid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, waxaan markaa dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxaan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey.”

Ardayda Somaliland ee Sannadkan 2023 u fadhiisatay Imtixaanka shahaadiga ah, ayaa ka badan Ardaydii sannadkii hore imtixaanka gashay.
Ardayda sannadkan u fadhiisatay ayaa guud ahaan Tiradoodu tahay 44,243, halka sannadkii hore ay ka ahaayeen 37,348 Arday, taasi oo muujinaysa kor u kaca Waxbarashada Dalka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo kormeeray qaar ka mid ah goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixiyeyaasha ee gudaha caasimadda Hargeysa.









