Madaxweynaha Puntland Oo Xilka Ka Qaaday Wasiir Iyo Wasiir Ku-xigeen

0

Garoowe (Arabsiyo) – Madaxweyne Deni, ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha, Cabdiweli Xirsi Mire.

Wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday Madaxtooyada Puntland, ayaa sabab looga dhigay xil ka qaadistooda, shaqo gudasho la’aan.

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan ayaa ka mid ahaa wasiirrada ugu saamayn badan Puntland, waxaana xilka ka qaadiddiisa ay ku soo beegantay xilli madaxweyne Deni ay qoryaha isku sitaan saaxiibadiisa hore.

Sida wasiirka hore ee maaliyadda iyo saraakiil ciidan oo lasoo shaqeeyay, kuwaas oo haatan hortaagan in doorashada qof iyo cod laga fuliyo Garowe iyo labo degmo oo kale.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in muddo ah inaanu wanaagsanayn xidhiidhka madaxweyne Deni iyo wasiirkiisa amniga oo muddo bilo ah aan xafiiskiisa fadhiisan.

Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu shaqada ka eryo qaar kale oo ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo doonaya inuu ku beddesho xubno kaga saamayn badan beelaha ay ka soo jeedaan, si ay qorshahiisa doorashada ugala shaqeeyaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office