Maxaa Ka Jira In Somaliland Soo Ridday Diyaarad Uu Shiinuhu Leeyahay ? 

0

Bulaxaar (Arabsiyo) – Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay inay dhulka soo dhigtay isla-markaana soo Ridday diyaarad laga leeyahay Dalka Shiinaha.

Diyaaraddan ayaa lagu soo riday Deegaanka Bullaxaar ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Sidaana waxa sheegtay Warbaahin Caalamiya, taasi oo Twitter-ka ku baahisay Warkan sheegaya in Ciidanka Somaliland ay soo rideen diyaarad Shiinuhu leeyahay

Warbaahinta aanu soo xiganay ayaa qortay “Somaliland ayaa ku soo ridey diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha meel u dhow magaalo xeebeeda Bulaxaar.”

Waxa kale oo ay qortay “Ilaa hadda lama garanayo ujeeddada ka danbaysa danta Shiinuhu ka leeyahay dalkan Afrika ku yaalla ee saboolka ah.”

Warku wuxuu Intaa ku darayaa In Dhacdadan ayaa imanayso, ka dib markii dhawaan Markab dagaal oo uu Shiinuhu leeyahay lagu qasbay inuu ka baxo kadib markii uu si aan sharci ahayn ku soo galay Somaliland.

Shiinaha ayaa Saldhig Ciidan ku leh Dalka Jabuuti oo Xuduud la leh Somaliland, waxayna diyaaradihiisu dul maraan Somaliland, halka Maraakiibtiisa diyaaradaha Xambaaraa aanay ka fogayn Xeebaha Somaliland.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office