USA (Arabsiyo) – Shan gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku geerriyooday shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Saddex ka mid ah gabadha geeriyooday ayaa ahaa walaal ahaa.
Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa waddada Legos iyo Lake St, kaddib markii gaadhi yar oo ay gabdhuhu la socdeen uu ku dhacay gaadhi kale oo xawaare saa’id ah ku soconayay.
Gaadhiga shilka geystay oo ahaa gaadhi weyn ayaa la sheegay inuu booliisku baacsanayay.
Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay darawalka masuulka ka ah shilkan, iyadoo haatan baadhitaan uu ku socdo.
Qaar ka mid ah Soomaalida ka agdhowayd goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay gabdhaha geeriyooday inay ahaayeen kuwa isku diyaarinayay xaflado qallin jebin ah.
Waxay sheegeen inay gabdhuhu kasoo laabteen suuqa, iyagoo soo iibsaday haddiyado iyo alaabo kale oo ay ugu talo galeen qallin jebintooda
Waxay ku tilmaameen shilkii ugu xumaa ee ka dhaca Minneapolis oo ay ku geeriyoodaan dad Soomaaliyeed.









