Jabuuti (Arabsiyo) – Shirka urur goboleedka ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika ayaa ka socda magaalada Jabuuti oo xaruntiisa cusub laga dhagax dhigay.
Waxaa ka soo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya.
Shirka waxaa lagaga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Suudaan iyo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo shalay ay warbaahinta Kenya werisay in madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo awoodda Soomaaliya ee ay ku hananayso amaanka dalkeeda ka hor inta ayna ka bixin ciidamada Midowga Afrika.









