Kenya (Arabsiyo) – Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya iyo awoodda amni ee dalka.
Labada mas’uul oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Jabuuti ayaa u muuqday kuwo kasoo horjeeda in haatan la dhimo ciidamada ATMIS, iyadoo aan la xaqiijin karin in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto kooxda Al-shabaab.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaadho bisha June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
Ruto iyo Geelle waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo waxay ugu yeedheen guulaha ATMIS.
“Annagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in lagaga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaadheen AMISOM/ATMIS.”
Waxa ay intaa ku dareen in dhimistaasi ay tahay in la xaqiijiyo in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay la wareegaan gacan ku heynta goobihii laga saaray gacanta kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Jimcihii la soo dhaafay, wasaaadda gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday in 2000 askari oo ka tirsan ATMIS la dhimayo bishan June dhamaadkeeda, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2670.









