Talyaniga (Arabsiyo) – Raysal-wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi oo eedaymo ku saabsan fadeexado galmo iyo musuqmaasuq ka soo kacay ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir.
Wuxuu ku dhintay Cisbitaalka magaalada Milan ee San Raffaele sida lagasoo xigtay warbaahinta Talyaaniga.
Bishii April ee sannadkaan ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah kansarka oo aan la shaacin.
Ganacsadahan horumaray ayaa markii u horrreysay qabtay xafiiska ugu sareeya Talyaaniga sannadkii 1994, wuxuuna soo hoggaamiyey afar dawladood tan iyo sannadkii 2011.
Wuxuu hoggaaminayay xisbiga midigta dhexe ee Forza kaas oo isbahaysi la galay raysal wasaare Giorgia Meloni ka dib doorashooyinkii sebtembar, markii loo doortay aqalka sare ee Talyaaniga.









