USA (Arabsiyo) – Dawladda Maraykanka, ayaa taageertay Baaqii Golaha amaanka Qaramada Midoobay ee ahaa in la joojiyo Colaadda ka taagan Laascaanood iyo in Wada-hadal deg-deg ah laga yeesho Colaadda.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa qoraal ay ku baahisay Barteeda Twitter-ka waxay ku tidhi “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa baaqa Golaha amaanka Qaramada Midoobay ee ah in la joojiyo rabshadaha ka socda Laascanood, waxaanuna ka codsaneynaa dhammaan dhinacyada in ay gaadhaan heshiis xabbad-joojin ah oo deg-deg ah, waxaanu dhiirrigelinaynaa wada-hadal loo dhan yahay & in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah.”

Dawladda Maraykanku ma soo hadal-qaadin Ciidamada Somaliland ee ku sugan fadhiisimada duleedka Laascaanood, kuwaasi oo Golaha amaanka ku baaqay in laga qaado halkaasi, arrintaasi oo muujinaysa in Maraykanku ogyahay xaaladda dhabta ah ee colaadda Laascaanood.









