Muqdisho (Arabsiyo) – Maraykanka, ayaa taageertay Baaqii Golaha amaanka Qaramada Midoobay ee ahaa in la joojiyo Colaadda ka taagan Laascaanood iyo in Wada-hadal deg-deg ah laga yeesho Colaadda.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe oo daba socda baaqa Maraykanka ee ah in Wada-hadal lagu dhameeyo colaadda Laascaanood, ayaa yidhi “Waxaan soo dhaweyneynaa qoraalkii ay dhawaan Twitter-ka soo dhigtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.”
Faysal oo qoraal ku baahiyey Twitter-ka, ayaa Intaa ku daray “Arintan ayaa ku soo beegantay wixii aan ku baaqnay tan iyo markii ay bilowdeen colaadda Laascanood, taasi oo ahayd In la yareeyo khasaaraha dadka rayidka ah, ciidamadana loo adeegsado siyaasad difaac oo kaliya…” ayuu yidhi










