Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Oo Dacwad Cusub Lagu Soo Oogay

0

USA (Arabsiyo) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si khaldan u maamulay boqolaal dukumeenti oo sir ah, oo ay ku jiraan sirta Nukliyeerka Mareykanka iyo qorsheyaasha militariga.

Eedeynta ayaa waxaa ka mid ah inuu faylalka ku hayo gurigiisa Florida, oo ay ku jiraan qolka uu kubadda ku ciyaaro iyo goobtiisa Maydhashada iyo inuu been u sheegay baadhayaasha.

Sidoo kale, waxaa lagu eedeynayaa in uu isku dayay inuu hor istaago baadhitaanka ku saabsan habka loo maareeyo dukumentiyada.

Mr. Donald Trump, oo mar kale u tartamaya xilka madaxtinimada Maraykanka ee sannadka 2024-ka, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office