Dedaallada Ictiraaf-raadinta Somaliland Oo Qurbaha Ka Laba-kacleeyay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Fahiima A. Cali oo ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Aqoonsi-raadinta Somaliland, ayaa ka hadashay Madax-banaanida Somaliland iyo Haykalka Dawladnimo ee dhulkeeda ka jiray 32-kii sano ee u dambeeyay.

Fahiima ayaa Madal ballaadhan oo lagu qabtay Munaasibad Farriin loogu dirayey Bulshada Caalamka, waxay kaga warrantay Taariikhda Somaliland, marxaladihii ay soo martay Dawladnimada Somaliland iyo sida ay qalbiyada Shacabka ugu ladhan tahay.

Fihiima, ayaa sheegtay in iyadoo Somaliland jirtay 32 sano, haddana ay Waddamada Adduunku sheegayaan in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, hase-yeeshee waxay waydiisay Adduunka sababta Muddadaa 32-ka ah loo arki waayay Madaxweyne ka socda Soomaaliya oo booqanaya Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland, dhicitaan la’aanta taasina Markhaati u tahay in Somaliland ka Madax-banaan tahay Soomaaliya oo ay tahay Dal gaar isku Maamula “Haddii Hargeysa ka mid tahay Soomaaliya, maxaynu u arki waynay Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya Caasimadda labaad ee ugu weyn dalkiiisa..” ayay tidhi Fahiima, waxayna intaa ku dartay “Haddii Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, maxay u qabsataa doorashooyinka aan ka dhicin Soomaaliya, maxayse Malaayiin Shacabka Somaliland ahi sannad walba u qabsadaan Xuska Madax-banaanida dalkooda Somaliland..”?

Fihiima oo ka jawaabaysa su’aashaas ay iswaydiisay, ayaa tidhi “Xaqiiqadu waa in Somaliland tahay dal gaarkiisa u jira, haddii si walba qeexid loogu sameeyana Midnimadii Soomaaliya waxay dhamaatay 32 sano ka hor..”

Waxay sheegtay in Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Lixdankii Boqortooyada Ingiriiska, xilligaana ay aqoonsadeen Dalal ka badan 30, sannadkii 2005-tiina Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Ururka Midowga Afrika ay dunida u sheegeen in Midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ee lixdankii ahayd Male-awaal oo aan si sharci ah loo ansixin, dib ula soo noqoshada Madax-banaanida ee Somaliland-na tahay Sharci “Xaqiiqadu’se waa in Beesha Caalamka diidayso inay xaqiiqadaa aragto..” ayay tidhi, waxayna intaa sii raaciyey “Adduunka waxaanu waydiisanaynaa inay si Xushmad leh noola Macaamilaan, iyagoo garabkooda naga eegaya. Waxaanu waydiisanaynaa inay arkaan sharci ahaanshaha Somaliland iyo Muhiimaddeeda..”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office