Xildhibaan Fararoon Oo Sheegay In Wada-hadal Lala Galayo Garaaddada Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Magaalada Hargeysa, waxa lagu soo dhaweeyay Garaad Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ay Ilmaadeer yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali oo caan ku ah ‘Gala Dagaalka’, kaasi oo doonaya inuu ka shaqeeyo Nabadaynta Laascaanood.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay Inay ka Mahad–celinayaan sida Shacabka Somaliland uga xun yihiin dhibaatada ka taagan Magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) wuxuu sheegay In Beelaha Daarood ee aan Somaliland degganayn ugu Talo-galeen Inay iska horkeenaan Somaliland iyo Beesha Dhulbahante, laakiin arrintaasi aanay Dan ugu jirin Shacabka Dhulbahante.

Faratoon waxa kale oo uu sheegay Inay Wada-hadallo la galayaan Garaaddada Laascaanood ku sugan, kagalana doodayaan siday waxani u dhaceen.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office