Burundi (Arabsiyo) – Safar uu ku tagay dalka Burundi, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in u diyaargarowga heshiis dowladeed oo ku saabsan tamarta nukliyeerka uu marayo heerkii ugu dambeeyay.
Mr Lavrov ayaa hadalkan sheegay Salaasadii ka dib markii uu wadahadal kula yeeshay Bujumbura wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi Albert Shingiro, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Tass.
Labada dal ayaa bishii November ee sanadkii hore kala saxeexday heshiis gogol-xaadh u ah tamarta nukliyeerka laga dhaliyo, kaas oo Ruushka uu ogolaaday in uu Burundi ka caawiyo sameynta warshado atomic ah.
Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka Mr Lavrov uu ku marayo dalalka Afrika, ka dib safarkii uu dhawaan ku tagay Kenya iyo ka hor inta uusan gaarin Koonfur Afrika.
Mr Shingiro ayaa ku celceliyay in Burundi aysan dhinacna ka noqon doonin dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine.