Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Mawqifka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka istaagay dagaalka Laascaanood ka socda.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sheegay In Xasan Sheekh uu Mawqif cad iska taagay dagaalka Laascaanood, Garaaddadii kula kulmay Muqdishana uu kula taliyey Inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay dadkooda dhibaatada ka daayaan.
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo Magaalada Hargeysa ka bilaabaya dedaallo uu ku doonayo in nabadda Laascaanood la soo dabbaalo.
Sidoo kalena, wuxuu Talooyin u soo jeediyey Garaaddada Laascaanood.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office