Somaliland: Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Oo 3 Gobol Ka Bilaabmay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa Maanta bilaabay qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada.

Guddiga doorashada, ayaa Gobollada Awdal, Sanaag iyo Saaxil ka bilaabay qaybinta kaadhadhka cod-bixiyeyaasha Somaliland.

Qaybinta kaadhadhka Cod-bixinta ayaa Wejiga hore Gobolladaa ka soconaysa muddo 10 Maalmood ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa ka hadashay amniga goobaha Kaadhadhka laga qaadanayo, waxayna tidhi “Maanta Bishu Tahay 31/05/2023 (Shalay), waxaa si rasmi ah uga bilaabantay Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag Kaadh qaadashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay kaga qayb galayaan Dorashooyinka soo socda.

Guud ahaan nidaamka Kaadh qaybinta ee ay maamulayaan ama Hogaaminayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa ku socota ama bilaamantay si nabadgelyo iyo habsami socod aan dib u dhac-lahayn, iyada oo Ciidamada kala duwan ee amniga ay sugayaan nabadgelada guud iyo ta goobaha Kaadh qaybintaba.

Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, waxay shacabka ku boorinaysaain ay qaataan kaadhka codbixinta, taasoo ah xuquuq ay leeyihiin muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana waajiba in aad ilaalisaan nidaamka, kala danbaynta, idinka oo la shaqaynaya Ciidamada amniga iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office