Ciidanka Madaxtooyada Puntland Oo Mushahar La’aan Awgeed U Gadooday

0

Garoowe (Arabsiyo) – Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa saaka xidhay waddada gasha Madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay ka gudbaan waddadan. Waxayna waddada ku jareen tekniko dagaal iyo dhagaxaan.

Waddada ay ciidankan goosteen ayaa ah wadddo aad muhiim ah oo ay subax walba u shaqo tagaan shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha, madaxtooyada Puntland, xarumo ganacsi iyo hay’adaha oo xarumahooodu halkaas ku yaallaan.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Madaxtooyada Puntland, waxayna ka cabanayaan mushahar la’aan dhowr bilood ah, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiishooda.

Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ciidamo Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushahar la’aan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay kasoo baxeen fadhiisinkooda, iyadoo xidhay laamiga Bosaso. Waxay ka cabanayeen mushahar la’aan.

Puntland ayaa caan ku ah marka la gaadho sanadka ugu dambeeya muddo xileedka Madaxweynaha in ay dhacdo mushahar la’aanta ciidanka iyo shaqaalaha, iyadoo loo sababeeyo in madaxdu ku mashquulaan arrimaha doorashada.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office