Dagaalka Suudaan Oo Weli Socda Iyo Dad Ku Dhintay Madaafiic 

0

Suudaan (Arabsiyo) – Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay 106 kalena waa ay dhaawacmeen Arbacadii, kadib markii gantaallo lagu garaacay suuq ku yaalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta Suudaan.

Tani waa tiradii ugu badneyd ee dadka lagu dilo duqeymo ka dhacay agagaarka caasimadda tan iyo markii dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF uu billowday 15-kii Abriil.

Weerarkan ayaa yimid markii ay burbureen wada-hadalo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga oo lagu soo afjarayay colaadda.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office