Somaliland Oo Fashilisay Weerar Argagixiso

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Kooxaha Huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood, ayaa bilaabay inay Miino ku aasaan deegaannada ka baxsan Magaalada Laascaanood, si ay u waxyeeleeyaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidahaa ku sugan.

Kooxaha Huwanta ah oo ay ka mid tahay Al-shabaab oo caan ku ah weerarrada Qaraxyada ah, ayaa deegaanka Si-xawle oo ku dhow Yagoori, waxay ku aaseen Miinooyin, laakiin Miinooyinkaas ayaa la kacay kooxdii loo xil-saaray inay ku aasaan jid ay Ciidammada Qaranku isticmaalaan, waxaana halkaa ku dhintay laba ka mid ah Lix Nin oo hawshaa waday, halka ay goobta ka baxsadeen Afartii kale.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo dhacdadan Argagaxa leh War-saxaafadeed ka soo saartay, ayaa sheegtay in kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Laascaanood ay bilaabeen inay isku dayaan inay Qaraxyo ku aasaan Jidadka, markii ay awood u waayeen inay toos ula dagaalamaan Ciidammada Qaranka JSL.

War-saxaafadeedkaas oo lagu socodsiiyey Beesha Caalamka, ayaa u qornaa sidan “Subaxnimadii hore ee saaka abaara 3-dii aroornimo ee xilliga dalka Somaliland ayaa waxaa lagu guuleystay in la fashiliyo weerar argagaxiso oo loo maleegayey ciidamadayada oo ah kuwa feejigan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lix qof oo ka tirsan koox argagixiso ah oo qorsheynayay weeraro ismiidaamin ah ay si degdeg ah iskugu qarxiyeen tuulada Si-xawle.

Tuuladani waxay u dhaxaysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, waxayna aad ugu dhowdahay Laascaanood.

Nasiib darro, labo ka mid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayey qaraxaas oo ahaa mid deg-deg ah, halka afartii soo hadhayna ay u suurtagashay inay ka baxsadaan goobta.

Dhacdadani waxa ay si weyn u xasuusinaysa in ururrada argagixisadu ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo nabadgelyada Somaliland iyo gobolka ku xeeran.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan u xaqiijineyna muwaadiniintayada iyo beesha caalamka in ciidamadayada ammaanku ay si joogto ah u feejigan yihiin, si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxahan xagjirka ah.

Wasaaradda gaashaandhigga waxa ay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Somaliland.

Ma ogolaan doono falalkan argagaxa leh inay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka aanu gaadhnay.

Ciidammadayada mmaanku waxa ay si joogto ah ugu taagan yihiin, una heelan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.

Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wadashaqeynta iyo sirdoonka oo la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sii wadi doonta in ay bixiso wixii ku soo kordha inta baadhitaanku socdo.

Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada iyo wadajirka ay noo fidiyeen saaxiibadayada caalamiga ah waqtigan xasaasiga ah.”

Dhanka kale, Afhayeenka Guddiga 33-ka ah ee kooxaha isku urursaday Laascaanood Cabdirisaaq Falaalug oo Shir-jaraa’id qabtay, ayaa si ku Talo-gal ah u sheegay in weerarkaas ay geysteen Ciidamada Somaliland.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office