Hargeysa (Arabsiyo) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegtay inay diyaarisay Ciidammada sugaya amniga Goobaha Muwaadiniintu ka qaadanayaan Kaadhadhka cod-bixinta Doorashada, taasi oo bilaabmaysa Maalinta Berri ah.
Xoghayaha Warfaafinta ee Wasaaradda Warfaafinta Ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku diyaariyeen Ciidammada sugaya amniga Goobaha laga qaadanayo Kaadhadhka cod-bixinta.
Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta, ayaa Arbacada ka bilaabmaya Gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag.