Ruushka (Arabsiyo) – Laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa ka digay in weeraro kale lagu soo qaado dalkooda, ka dib markii subaxnimadii hore ee saaka weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ahaa kii ugu weynaa tan iyo markii uu Ruushku galay Dalka Ukraine.
Goob hodan ah oo ku taal Caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa la Beegsaday, waxaana ku dhaawacmay laba qof.
Alexander Khinshtein oo ka tirsan xisbiga talada Ruushka haya ee “United Russia”, ayaa sheegay in waxa uu ugu yeedhay “weerarada argagixisada” ay sii kordhin doonaan oo kaliya.
Saaxiibkii Maxim Ivanov ayaa sheegay in aanu jirin muwaadin Ruush ah oo hadda ka fogaan kara “xaqiiqda cusub”.
Ukraine ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay weerarradaas, inkastoo afhayeen u hadlay Madaxweyne Zelensky uu sheegay inay “ku faraxsan yihiin daawashada waxa dhacaya.”