Koonfur Afrika Oo Xasaanad Siisay Putin 

0

K/A (Arabsiyo) – Dawladda Koonfur Afrika, ayaa ku dhawaaqday xasaanad diblomasiyaded oo ay siinayso mas’uuliyiinta ajnabiga ah ee ka qaybgalaya shirka Brics, taas oo suurtogal ah inay albaabka u furto ka qaybgalka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Faafin rasmi ah oo ay siidaysay Koonfur Afrika ayuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Naledi Pandor wuxuu sheegay in xasaanaddu ay sidoo kale khuseyso mas’uuliyiinta ka qaybgalaya shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Brics ee ka bilaabmaya Khamiista Koonfur Afrika.

Faafinta rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqay si waafaqsan xasaanadda diblomaasiyadeed iyo sharciga mudnaanta, kaas oo dhigaya in xasaanadda la siiyo saraakiisha iyo khubarada Qaramada Midoobay, hay’ad kasta oo gaar ah ama hay’ad kasta iyo wakiillo ka socda waddan kasta oo ka qayb galaya shir caalami ah oo lagu qabto Koonfur Afrika.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Koonfur Afrika cadaadis lagu saarayo inay go’aan ka gaadho imaatinka Mr Putin, kaas oo ay ku raad-joogto maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee dagaalka, taas oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal xilligii uu dalkiisa ku duulay Ukraine.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office