Goormaa La Bilaabayaa Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Somaliland ? 

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Gudiga dorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay xilliga ay bilabayaan qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Komiishanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa Si rasmiya u shaaciyey in 31-ka bishan May ka bilaabayo qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada.

“Komiishanka doorashooyinku wuxuu dadweynaha ku war-gelinayaa in qaybinta Kaadhadhka Cod-bixintu bilaabmayso 31-ka Bishan May..” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office