Xukuumadda Oo WADDANI Ku Eedaysay Inaanu Caddaynin Mawqifkiisa Dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Ergada Nabadeed ee Magaalada Muqdisho uga timid inay Xukuumadda kala hadlaan Xallinta Colaadda Magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Weli dalka ku sugan yihiin Ergadii Soomaaliya uga yimid Xallinta colaadda ka taagan Laascaanood, Gogogashii nabadeed ee ay hore u dhigtayna weli taallo.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Suufi oo ka hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa sidan sheegay, laakiin Wasiirku ma faahfaahin In Ergadu weli la kulanta Madax-dhaqameedkii Xukuumaddu u xil-saartay inay la xaajoodaan Madax-dhaqameedyada doonaya inay arrinta Laascaanood xal u raadinayaan.

Laakiin, Ergada Muqdisho ku sugan, ayaa joogitaankoodu ku soo beegmayaa xilli Magaalada Muqdisho u safreen 5 Garaad oo Garaaddada Laascaanood u xuleen inay ka qayb-galaan Gogasha Nabadeed ee Dawladda Soomaaliya markii labaad fidisay.

Isimada ayaa kala ah:- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad C/Risaaq Garaas Soofe, Garaad C/Salaan Xasan Maxamed, Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaya inay Xal nabadeed u raadiso colaadda Laascaanood, iyadoo hore u sheegtay in Laascaanood ka mid tahay Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Boosaha Somaliland oo ka jawaabaya eedaymo uu Xisbiga WADDANI ugu jeediyey in Xukuumaddu ka gaabisay Gobolka Sanaag oo Puntland doorasho ka qabatay, ayaa sheegay in marka uu Madaxweynuhu leeyahay ‘Dagaalku joogsan maayo’ uu difaacayo Sharciga Xuduudka, Gobolka Sanaag-na aanay ka gaabin, balse marmarka qaar ay jiraan Duruufo, hase-yeeshee Xisbiga WADDANI looga baahan inuu caddeeyo Mawqifkiisa dagaalka Laascaanood, oo aanu arrimaha Gudaha iyo dibedda isku qasin.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office