Ruushka Oo Saanad Ciidan Siinaya Soomaaliya

0

Muqdisho (Geeska) – Diblumaasiyiin Ruush ah, ayaa sheegay in Ruushka uu ku yaboohay in uu ka caawiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Diblumaasiyiintan oo codsaday in aan magacooda la shaacin sababo la xidhiidha in aan loo ogolayn in ay la hadlaan warfidiyeenka, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov uu dalabkaas ka bixiyay wadahadal uu kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse, wada hadalkaas oo ka dhacay magaalada Moscow.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa yidhi, “Ruushka wuxuu diyaar u yahay inuu ciidanka Soomaaliya siiyo saanad milateri, si loo xoojiyo dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab.”

Dublamaasiyiintu ma ayna qeexin noocyada agabka uu Ruushku u yaboohayo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office