Soomaaliya Oo Baadhaysa Ciddii Fududaysay Hub Muqdisho Lagaga Qabtay Huwanta Laascaanood

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Dowladda Soomaaliya ayaa wadda baadhitaano la xidhiidha dadka ku lugta lahaa agab iyo saanad ciidan oo dhawaan lagu qabtay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sida ay warisay waxay gacanta ku dhigtay hal Toddobaad gudahii laba koontiinar iyo agab kale oo la xidhiidhay oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya oo si dhow ula socday alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, oo lagu soo dhex qariyay badeecado ganacsi ahaan Soomaaliya loo galinayey, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Intaas kadib, dowladda ayaa waxay billowday baadhista ganacsato u fududeysay kooxda in saanaddan ciidan ka soo dejiyaan dekedda iyo garoonka Muqdisho, sida ay shaacisay La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee xakameynta hubka sharci-darrada ah ee Marwo Mako Maxamuud Muuse.

Marwo Mako ayaa waxay sheegtay in dowladdo ay waddo baadhitaano shaqsiyaadkaas la xidhiidha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda.

“Dowladda waxey waddaa baadhitaano la xidhiidha shaqsiyaadka Makriga u maleegayay umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda..” ayey tidhi La-taliye Marwo Mako.

Sidoo kale, waxay soo dhaweysay howl-galka ciidamada hay’adda Nabad-sugidda ay ku qabteen laba konteenar oo kooxda Al-Shabaab ku soo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan

La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa ugu dambeyntiina waxay bogadisay howl-gallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Saanadda Ciidan ee Dawladda Soomaaliya qabatay, ayaa waxa loo waday kooxda Al-shabaab ee Magaalada Laascaanood ka wada dagaallada ka dhanka ah Ciidamada Qaranka Somaliland.

Saanaddan Ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha yaryar ee loo adeegsado Qaraxyada, ayaa xoguhu sheegayaan in Kooxda Al-shabaab doonayeen Inay ku weeraraan Saldhigyada Ciidamada Qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanood.

Ugu dambayn, Ilo Madax-banaan ayaa sheegay in Qalabkan laga qabtay Al-shabaab uu Sirdoonka Waddamada Caalamku ku sii War-geliyeen Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office