Dagaalo Mar Kale Ka Qaxay Suudaan Iyo Xabbad-joojintii 7-da Maalmood Ahayd Oo Burburtay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Duqeymo badan oo dhanka cirka ah iyo iska horimaadyo ayaa laga soo sheegay dalka Suudaay, taas oo hoos u dhigaysa rejadii laga qabay isku daygii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta dalka ay colaaduhu ka jiraan.

Xabbad-joojin cusub oo todoba maalmood ah ayaa si rasmi ah u bilaabatay 21:45 wakhtiga maxaliga ah ee Sudan Xalay, laakiin goob joogayaal ayaa sheegay dagaallo hor leh oo ka dhacay caasimadda Khartoum iyo meelo kale.

Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxaanu ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hogaamiyeyaasha ciidamada Suudaam iyo Ciidammada RSF.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu gaadho heshiis nabadeed ayaa burburay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office