USA (Arabsiyo) – Hoggaanka Sare ee Hawl-galka Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, in 20-kii May, 2023 ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah fadhiisimada Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarka ay ku beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah, kana dhasheen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo laga burburiyay Al-shabaab.