Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xasarado ka taaganyihiin meelo badan oo Somaliland ah.
Guddoomiyaha oo daadihinayay dood ay la haayeen Golaha Guurtidu ayaa sheegay in qalalaase ka jiro gobolada qaarkood.
“Meel aan qiiqaynin ma jirto, haddaa lagu maqan yahay qaar baa guurtidii ku jirtaa, kuwo ayaynu go’aamo ka gaadhno dhibaatadii aanay wali xalismin, meel walba fowdo ayaa la is haystaa” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan
Guddoomiyaha ayaa sheegay in gobolada badankooda sida Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Awdal ay xasarado ka jiraan, inkasta oo aanu sheegin xasaradahaasi waxay yihiin, haddana maalmihii ugu danbeeyay waxa jiray xasarado dhul iyo daaq ka dhashay oo u dhexeeya beelaha qaarkood, kuwaasi oo la xalliyey.