XOG: Sababta Uu Madaxweyne Biixi Xilka Uga Qaaday Badhasaabkii Reer Sool

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sameeyay Xil ka qaadis iyo Magacaabis.

Madaxweynaha ayaa Wareegto uu Maanta soo saaray ku Magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maalgeshiga, ka dib markii Wasiirkii xilkaa hayey ku biirtay Golaha Wakiillada islamarkaana buuxisay Boos uu banneeyay Xildhibaan Dhawaan Geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Maalgeshiga oo ay hore Wasiir uga ahayd Marwo Aamina Fariid, wuxuu Maanta u Magacaabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Badhasaab cusub u Magacaabay Gobolka Sool, kaasi oo noqonaya Cabdikariin Siciid Aw Cabdi, halka uu Badhasaabkii Sool Cabdikariin Xaaji Diiriye-na uu u beddelay Badhasaabka Gobolka Gabiley, halka uu xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Badhasaabka Gabiley ee uu Madaxweynuhu xilka ka qaaday oo Colaadda Laascaanood ka hor laga soo beddelay Gobolka Sool oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaan ilaa hadda la ogayn Sababta xilka loo qaaday xilligan xaasaasiga ah ee dhibaatadu ka taagan tahay Magaalada Laascaanood, laakiin ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay in Xukuumaddu ogaatay in Cabdiqani Jiidhe uu faraha kula jiro arrimo xaasaasi ah, kuwaasi oo khatar ku ah amniga Dalka iyo ka Gobolka Sool.

Xogtu waxay sheegtay in Laamaha amniga ee Qaranku ogaadeen in Badhasaabka Gabiley ee uu Maanta Madaxweynuhu Xilka ka qaaday uu xidhiidh hoose la leeyahay Maleeshiyaadka dhibaatada ka wada Magaalada Laascaanood iyo Garaaddada beesha Dhulbahante ee xagga dambe ka hagaya Colaadda ka taagan Laascaanood isla-markaana uu dedaal ugu jiray in isaga oo xilka Qaranka haya uu taageero u dusiyo Maleeshiyaadka Laascaanood isku urursaday, markii baadhitaanadii lagu hayey la xaqiijiyeyna uu Madaxweynuhu qaaday Tallaabadan uu Maanta shaqada kaga fadhiisiyey.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku suntan Colaadda Laascaanood, ayaa hore u sheegay in qaar ka mid ah Xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Sool ee xilalka ka haya Xukuumadda Somaliland ay wax isku ogyihiin, kuna heshiiyeen inay Xilalkooda hayaan, marka ay helaan fursadna ay go’aan ka qaataan la shaqaynta Dawladda Somaliland.

Hadalkaa Garaad Jaamac wuxuu kordhiyey feejignaanta Laamaha amaanka ee Qaranka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office