Hargeysa (Arabsiyo) – Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxa laga xusay 32 Guurada dib ula soo noqonashada Maalinta Qaran ee 18-ka May.
Fagaaraha Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu qabtay Xuska 18-ka May ee ugu ballaadhan, waxaana ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Laamaha kala duwan ee Dawladda Somaliland.
Xuskan waxa Dawladda Somaliland ku soo bandhigay Awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qaybaha kala duwan ee Ciidanku ku soo bandhigeen Gaardis layaab leh oo ay ku mareen Fagaaraha ay ku sugnaayeen Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee Qaranku.
Awoodda Ciidammada.
Xuskan 18-ka May, waxa Fagaaraha Xorriyadda ee Badhtamaha Hargeysa Gaardis ku soo maray Ciidan awood badan, kuwaasi oo tiradoodu ka badan tahay 30.000 Askari, kuwaasi oo iskugu jira Millateri, Boolis, Asluubta iyo Ciidamada kale ee Somaliland
Ciidammada Gaardiska ku soo maray Fagaaraha Xorriyadda oo mid walba sitay Sumadaha u gaar ah, iyagoo guuto guuto si xarago leh halkaa u maray.
Tirada iyo awoodda Ciidammada Somaliland soo bandhigeen, ayaa dibedda u soo saartay kaydka in Somaliland isku filaatay marka ay tahay dhanka Ciidammada iyo amniga, maaddaama oo ay Xuska Hargeysa ka dhacay kuwo la mid ahina ka dhaceen guud ahaan Gobollada dalka, sidan oo kalena Ciidanku Gaardis ugu mareen Fagaareyaasha, Ciidan ka badan 40 kuna ku sugan yihiin Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Gobolka Sool.
Saannadda Ciidanka
Ciidamada Millatariga Somaliland iyo kuwo kale ee Qaranka, ayaa Fagaaraha ay mareen ku soo bandhigay Qalabka ay ku gaashaaman yihiin, sida Hubka iyo Gadiidka.
Ciidanka, ayaa soo bandhigay kumanaan Gaadiidka dagaalka ah, Madaafiicda Goobta oo dhammaantood cusub, dhawaana lagu qalabeeyay Ciidanka.
Si gaar ah, Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay soo bandhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah, taasi oo ah nooca gantaalada Xambaara isla–markaana laga hago goobaha durugsan, taasi oo muujinaysa awoodda Ciidammada kala duwan ee Somaliland.
Waxa muuqata in Madaxweyne Biixi uu ka dhabeeyay ballanqaad uu hore u sameeyay, taasi oo ahayd Inuu Somaliland u dhisayo Ciidanka Cirka.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









