Muqdisho (Arabsiyo) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa taageeray habraaca la-dagallanka musuqmaasuqa, kaas oo kasoo baxay kulankii golaha wasiirrada, isaga oo amray in la hilgeliyo.
“La-dagaallanka musuqmaasuqu ma ah oo kaliya akhlaaqda lagama maarmaanka ah, laakiin sidoo kale waxay shardi u tahay horumar waara iyo Soomaliya loo siman yahay. Waxaa naga go’an inaan dhisno hab daah-furnaan iyo isla xisaabtan, oo u adeega dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu Xasan Sheekh ku yidhi bayaan uu soo saaray, waxaanu intaa ku daray “Dowlad dhiska, amniga iyo dadaallada horumarinta dhaqaale ee Soomaaliya waxay taagan yihiin marxalad muhim ah. Si dedaalladan guul looga gaadho waa in la hubiyo dowladnimo ku dhisan la xisaabtan”
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay “U hogaansanaan la’aanta badheedhka ah ee awaamiirtani waxay keeni doonta cawaaqibta tallaabo sharci ah” ayuu raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hab-raaca La dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya ee Golaha Wasiirradu soo saareen, ayaa imanaya xilli Soomaaliya labadii sanadood ee u dambeeyay ay Kaalinta 1-aad u gashay Dalalka ugu Musuqmaasuqa badan Dalalka Adduunka.









