Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Nolosheedu Khatar Ku Jirto

0

USA (Arabsiyo) – Ilhaan Cumar, ayaa wareysi ay bixisay waxay ku sheegtay in ay inta badan kala hadasho Carruurteeda hanjabaadaha ay kala kulanto nin loo soo xidhayo inuu burburiyay xafiiskeeda.

“Waa inaan si joogto ah ula sheekeysto carruurtayda: ‘Maxaa dhacaya haddii la i dilo?” Ilhan Cumar ayaa sidaas ku tidhi wareysi ay siisay wargeyska Star Tribun.

Ilhan Cumar ayaa sidoo kale u sheegtay wargeyska Tribune in aanay kalsooni ku qabin in afhayeenka aqalka Koongareeska Kevin McCarthy (R-Calif.) uu wax ka qaban doono arrinta ku saabsan in ay u baahan tahay ammaan iyo ilaalin dheeraad ah, sababo la xidhiidha hanjabaadaha ay la kulantay, iyadoo xustay sida guddoomiyihii hore ee Aqalka Hoose. Xildhibaan Nancy Pelosi (D-Calif.) wax kaga qaban jirtay welwelka badbaadada nafteeda.

“Ma garanayo sida aan ugu kalsoonahay  afhayeenka hadda jira si uu u qaato go’aanka badbaadadayda iyo badbaadada qaar ka mid ah asxaabteydii kale ee nugul ayay Ilhan Omar u sheegtay wargeyska Star Tribune.

War qoraal ah oo uu siiyay Tribune, afhayeen u hadlay xafiiska McCarthy ayaa sheegay in afhayeenka uu caddeeyay rajada uu ka qabo in siyaasadda laga saaro amniga.

Hadalka Ilhan Cumar ayaa imaanaya iyadoo maamulka Minnesota ay xidheen oo ay dacwad kusoo oogeen nin todobaadkii hore, iyagoo ku eedeeyay inuu dab qabadsiiyay laba masaajid oo ku yaalla Minneapolis iyo inuu burburiyay xafiiska Cumar.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office