Dagaal Ka Dhacay Laascaanood Iyo Ciidammada Qaranka Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyaadka

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Dagaal ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Dagaalkan ayaa qarxay, ka dib markii Maleeshiyaadka Huwanta ahi ay weerarreen fadhiisinka Ciidammada Qaranka ee galbeedka Magaalada Laascaanood, gaar ahaan Buuralayda Xargagga iyo deegaanka Maraaga iyo halka loo yaqaano Taangiga ee duleedka Laascaanood.

Ciidammada Qaranka oo War qabay weerarka Nabad-diidka Laascaanood, ayaa dhirbaaxo ku dhuftay isla-markaana dib ugu celiyey halkii ay ka soo duuleen oo ah gudaha Magaalada Laascaanood.

Maleeshiyaadka ayaa weerarka ay ku qaadeen Ciidanka Qaranka ku doonayey inay ku qabsadaan deegaanka Xargagga oo ah marin muhiim u ah Ciidammada Qaranka, gaar ahaan Saldhigga Gooja-cadde, laakiin Ciidanka Qaranka ayaa ka hor-tagay oo fashiliyey Qorshahoodii.

Wararka dheeraadka ah ee halkaa ka soo gaadhay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa sheegaya in Ciidammada Qaranku ay Maleeshiyaadka Gacanta kaga dhigeen Gaadiid dagaal iyo Hub noocyo kala duwan ah.

Dagaalka Xalay dhacay, illaa hadda wax War ah kama soo saarin Taliska Ciidammada Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office