Hargeysa (Arabsiyo) – Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa Maanta waxa ka dhacay Dibed-bax Rabshado wata.
Dadweynaha Mudaharaadka sameeyay oo sheegayey inay ka soo horjeedaan dilkii Sarkaalkii Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ayaa waxay Rabshad ka sameeyeen Gudaha Magaaladaasi, waxayna Taayirro ku gubeen Meelo ka mid ah Gudaha Magaaladaasi.
Dadkan oo qaarkood ay boob ka sameeyeen Meherado ku yaalla Gudaha Magaaladaasi. ayaa waxa la hor-tagay Ciidammada Booliska oo xoog ku kala dareeriyey.
Wararka Arabsiyo News halkaa ka soo gaadhay, ayaa sheegaya in Mudaharaadayaashu isku dayeen inay xoog ku galaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Boorama, iyada oo ujeeddadoodu ahayd inay xoog kula baxaan Ninkii Lowyacaddo ku dilay Sarkaalka Ciidammada ilaalada Xeebaha ka midka ahaa, hase-yeeshee Ciidanka gaadhka ka haya Xabsigaasi, ayaa ka hor-tagay, waxaana halkaa ka dhashay khasaare soo gaadhay Mudaharaadayaasha iyo ciidanka Asluubta.
Maamulka Gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama, ayaa ka hadlay Mudaharaadkan Rabshadaha watay.
Maamulka iyo Ciidanka amniga, ayaa sharaxaad ka bixiyey siday wax u dhaceen iyo sida ay uga hor-tagayaan Cid kasta oo nabadgalyada dhibaataynaysa, inkasta oo rabashadihii joogsadeen.
Askariga dilka geystay, ayaa Maxkamadda Ciidammada Qalabka sidaa ku xukuntay Dil toogasho ah, si loo qisaaso, laakiin Dadka Mudaharaadaya ayaa la tuhunsan yahay inay ku jirto Gacanta dad doonaya inay khalkhaliyaan amniga Magaalada Boorama iyo ka Gobolka Awdal, laakiin Ciidammada amniga ayaa isha ku haya Dhaqdhaqaaqyada socda.
Tuhunka ah in Gacan kale ku jirto reer Awdal, ayaa waxa sii xoojinaya dadka Mudaharaadaya oo qaarkood sitaan Calanka Soomaaliya, taasi oo muujinaysa in dad Cadow ku ah Somaliland ah faro-gelin ku hayaan reer Awdal isla-markaana doonayaan inay Sarkaalka dhintay ka dhigtaan sabab ay amniga Gobolka ku khalkhal-geliyaan.
Labadii Maalmood ee u dambeeyay, Waxgaradka iyo Culimada Gobolka Awdal, oo si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa ka digay in amniga la khalkhal-geliyo, maaddaama oo xukun dil ah lagu riday.
Suldaan Dhawal oo ka mid an Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo Warbaahinta kula hadlayey Magaalada Boorama, ayaa sheegay in dad Qurbe-joog ahi wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan inay amniga dalka ku waxyeeleeyaan, isagoo dadkaa farriin u diray, ugana digay dadka gudaha dalka jooga Inay dhego-nuglaadaan dadka fidmo-wadeyaasha Qurbaha abaabulka ka wada.
Sidoo kalena, Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Boorama oo iyaguna saxaafadda kula hadlay halkaasi, ayaa dadweynaha ka waaniyey Mudaharaadka iyo inay amniga waxyeeleeyaan.
Wararka dheeraadka ah ee halkaas laga helay, ayaa sheegaya in Xaaladdu xilligan deggan tahay, dadkii Mudaharaadka samaynayeyna guryahooda ku laabteen, halka qaarkoodna ay Ciidamada amnigu xabsiga u Taxaabeen.









