Khartoum (Arabsiyo) – Kumanaan qof ayaa Arbacada Maanta ah ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartuum, iyada oo uu maalinkii shanaad galay dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran, kaasi oo ay ku dhinteen qiyaastii 200 qof, kadib markii ay burburtay xabbad-joojin 24 saac ahayd.
Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal ee xukunka ku qabsaday afgambiga 2021-kii, kuwaas oo kala ah; madaxa ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo hoggaamiya ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.
Waxa uu ka dambeeey khilaaf xooggan oo dhex-maray Burhan iyo Daglo oo ku aaddan qorshe ciidamada Dacmu Sariic loogu dhex dari lahaa ciidamada militariga — taasi oo shuruud muhiim u aheyd heshiis kama dambeys ah oo dib loogu soo celin lahaa dimoqraadiyadda Sudan.
Qaraxyo xooggan ayaa ku habsaday dhismayaasha, iyada oo rasaas xooggan laga maqlayey Khartuum, waxaana goobjoogeyaal ay sheegeen in qiiq uu qabsaday hawada.
Ciidamada Dacmu Sariic oo wata gawaadhida gaashaaman iyo gawaadhi xamuul oo hub ay ka buuxaan ayaa lagu arkayey waddooyinka, halka diyaaradaha dagaalka ee militariga ay duqeynayeen bartilmaameedyada Dacmu Sariic ama RSF, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
Shacabka weli ku jira guryahooda ayaa quus taagan, iyada oo cunnada ay haystaan ay sii yaraaneyso, biyo la’aan ay jirto, islamarkaana korontada ay go’an tahay.
Rejadii ay ka qabeen in la daadgureeyo ayaa meesha ka baxday markii xabbad-joojin bani’aadannimo oo 24 saac aheyd ay burburtay daqiiqado yar uun kadib xilligii la soo jeediyey inay billaabato saacaddu markii ay aheyd 7-dii habeennimo ee Salaasadii.
Shacabka qaarkood ayaa sida ay goobjoogeyaal sheegeen si iskood ah u billaabay inay guryahooda Khartuum ka cararaan, qaar ayaa ku safrayey gawaadhi, halka kuwa kalena ay lugaynayeen oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in meydadka ay daadsan yihiin waddooyinka.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 185 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1,800 qof, sida ay sheegtay QM.
Hase yeeshee tirada rasmiga ah ayaa la rumeysan yahay inay intaas aad uga badan tahay, iyada oo kuwa badan oo dhaawac ah aysan gaadhi karin cisbitaallada oo qaarkood sidoo kale la duqeeyey.
Qaar ka mid ah dowladaha dunida, sida Japan iyo Mareykanka ayaa billaabay qorshe ay kumanaan ajaaniib ah kaga daadgureyanayaan dalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha QM.
Kadib markii xabbad-joojinta ay burburtay, militariga ayaa ku eedeeyey “maleeshiyada mucaaradka ah” inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan, ayna sii wadaan “dagaalka xarumaha ciidanka iyo garoonka diyaaradaha.”
Kooxda Dacmu Sariic ayaa farta ku fiiqday militariga “inay ku xadgudbeen” islamarkaana jebiyeen xabbad-joojinta iyaga oo billaabay “weerar aan kala sooc laheyn” oo ka dhan saldhigyada ciidankeeda ee hareeraha caasimadda.









