Nigeria (Arabsiyo) – 8 gabdhood oo u dhashay dalka Nigeria oo kooxo hubeysan ay labo todobaad ka hor ku qafaasheen waqooyiga gobolka Kaduna, ayaa ka baxsaday kooxihii afduubka u heystay.
Ardeydan ayaa waxaa gacanta ku dhigay koox hubeysan, xilli ay ka soo baxeen dugsi sare oo ay dowladdu leedahay, oo ku yaalla Awon oo ka tirsan deegaanka Kachia.
Guddoomiyaha ammaanka ee gobolka Kaduna, Samuel Aruwan, ayaa sheegay in ardaydan ay ku baxsadeen kayn u dhow xadka gobolka Niger.
Ardayda ayaa waxay socdeen maalmo, ka hor inta aanay is haleelin qaar ka mid ah dadka tuulada, ayuu yidhi
Waxaa la geeyey xarun ciidan oo ku taalla Kaduna, si ay daryeel caafimaad u helaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha Nigeria.
Kooxaha budhcadda ah ee inta badan ka howlgala meelo fog fog oo waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria ku yaalla, ayaa inta badan afduubta ardayda, waxayna dalbadaan lacago madax furasho ah oo aad u badan, si ay xoriyaddooda u helaan ardeydu.









