Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cusboonaysiiyey xilka Ergayga Wada-hadallada Soomaaliya ee Marwo Edna Aadan Ismaaciil.
Wareegta uu Madaxweynuhu soo saaray Maanta, ayuu ku sheegay inuu Edna Aadan Ismaaciil dib ugu Magacaabay Ergayga Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, màaddaama oo ay dhawaan dib u bilaabmayaan Wada-hadallada Muqdisho iyo Hargeysa.
Edna Aadan Ismaaciil, ayaa ka sakow Ergayga Wada-hadallada Soomaaliya, waxay door weyn ka qaadataa dedaallada Ictiraaf-raadinta Somaliland.
Dhawaan waxay khudbad dheer oo khusaysa qadiyadda Somaliland u jeedisay Barlamanka Midowga Yurub, Todobbaadkana waxay khudbad u jeedinaysaa Baarlamaanka Katalonia oo ah Dal ka go’aya Spain.
Edna, ayaa ka hadashay Safarka ay ku tagayso Magaalada Barcelona oo ah Caasimadda Katalonia.









