Jubbaland Oo Toos ugu biirtay Dagaalka Laascaanood

0

Kismaayo (Arabsiyo) – Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland, ayaa si toos ah ugu biiray Dagaalka Somaliland lagaga soo horjeedo ee muddada labada Bilood ka badan ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Jubbaland oo dagaalka Laascaanood ugu jirtay si hoose isla-markaana Hub iyo Rasaas si joogto ah ugu soo diri jirtay Kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood ku sugan, ayaa hadda si toos ah ugu biirtay.

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe), ayaa Guddi gaar ah u Magacaabay dagaalka Laascaanood, si Maamulkiisu uu si toos ah uga qayb-qaato.

Madaxweyne Axmed-madoobe, ayaa la sheegay inuu Magacaabay Guddiga Taakulaynta dagaalka Laascaanood, waxaana Guddigaa hoggaaminaya Wasiirka Waxbarashada Jubbaland iyo Maayirka Degmada Kismaayo Cumar Cabdillaahi Muxumed (Faro-weyne), kaasi oo ay ehel yihiin Taliyaha Ciidamada Birmadka ee Soomaaluliya Mr. Siyaad, kaasi oo Huwanta Laascaanood u qaabilsan Isku Xidhka dagaalka.

Siyaad, ayaa hore loogu eedeeyay inuu faraha kula jiro dambiyo waaweyn, sida inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha Argagixisada ah, kana shaqeeyay in dagaalyahannada Al-shabaab ku biiraan dagaalka Laascaanood.

Siyaad ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland, waxaanu shaqadii amniga ee Dawladda Soomaaliya u xil-saartay u beddelay inuu awooddiisa iskugu geeyo dagaalka Laascaanood.

Dagaalka ka socda Laascaanood, waxa hore ugu jiray Ciidammada Maamulka Puntland, kuwaasi oo dagaal kasta oo ay la galaan Ciidamada Qaranka ku jaba isla-markaana ku waaya Askar iyo Gaadiid dagaal.

Hase-yeeshee, Cid kasta oo ku soo biirta kooxaha isku Urursaday Laascaanood, uma badheedhi karaan Ciidamada Qaranka Somaliland oo xilligan lagu tiriyo inay ka mid yihiin kuwa ugu awoodda badan Ciidammada Dalalka bariga Afrika, marka la eego Tiradooda, xirfaddooda iyo Qalabka ay haystaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office