Turkey (Arabsiyo) – in ka badan 250 Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.
Soomaalidan ayaa doonayay inay u safraan dalka Nicaragua ee dhaca qaaradda Laatiin America, halkaas oo ay qorsheynayeen inay uga soo tahriibaan dalka Maraykanka.
Soomaalidan oo qarash badan kaga baxay safarkooda ayaa haatan wajahaya xaalad jahwareer ah, kaddib markii diyaarad ay kiraysteen lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.
Diyaarada ay kiraysteen oo lagu magacaabo Air Anka, ayaa dhowr maalin safarkeedu dib u dhacay, markii dambe waxaa la sheegay in laga saaray systemka duulimaadka garoonka Istanbul
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dillaaliin Soomaali iyo Turkish ah ay qorshe been abuur ah u maleegeen Soomaalidan, si ay dhaqaale badan uga qaataan.
Diyaarada ayaa lagula heshiiyay inay dadkan geyso dalka Nicaragua, waxaana safarkaas ku baxday lacag lagu sheegay labo milyan oo dollar, iyadoo qofkiiba laga qaatay lacag u dhaxeysay 4,000-6,000 dollar
Dadkan ayaa isugu jira kuwa ka yimid dalka Soomaaliya, kuwa horey u joogay Turkiga iyo qaar kale oo ka yimid Hindiya iyo dalal kale oo Afrika iyo Eeshiya ka tirsan.
Bilihii ugu dambeeyay Soomaali badan oo ay ku jiraan qaar caanka ah baraha bulshada, ayaa si tahriib ah ku galay dalka Maraykanka, iyagoo u sii maray dalal ay ka mid tahay Mexico.
Soomaalidan ayaa dalkaas tagay, xilli uu Maraykanka ka fiirsanayo waxa laga yeelayo soo galootiga ku qulqulaya dalkooda.









