16 Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Dhacay Dubai

0

Dubai (Geeska) – 16 qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhisme ay dad daganaayeen oo ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.

Dabka ayaa ka kacay deegaanka Al-Ras, oo ka mid ah xaafadaha ugu qadiimsan magaalada Dubai. Waxay hoy u tahay shaqaale badan oo tahriib ku galay dalkaasi, iyo ganacsato.

Dabka ayaa ka kacay dabaqa afaraad ee dhismo oo shan dabaq ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Hannaanka kahortagga masiibooyinka ee magaalada Dubai, ayaa sheegay inay sababtay u hoggaansanaan la’aanta dhismaha, ee dhanka awaamiirta badqabka.

Kooxaha dab-damiska ayaa goobta yimid 12:41 wakhtiga maxaliga ah (9:41 GMT) Sabtidii.

Aagga Al-Ras, ayaa u dhow suuqyada dahabka iyo xawaashka ee magaalada, kuwaasoo ah meelaha loo dalxiis tago.

Hannaanka kahortagga masiibooyinka ee magaalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska The National ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta in uu socdo baaritaanka dabkan khasaaraha badan waxa dhaliyay.

Maamulka ayaa sheegtay inay muhiim tahay in “Mulkiilayaasha dhismayaasha la deggan yahay iyo kuwa ganacsiga iyo dadka deggan” ay si buuxda ugu hoggaansamaan “shuruudaha badqabka iyo tilmaamaha, si loogga fogaado shilalka, loona ilaaliyo nolosha dadka”.

Wali ma jirto cid loo soo qabtay, baadhitaanka ayaa wali socda.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office