Khartoum (Arabsiyo) – Kaddib dagaalkii Sabtidii ka dhacay dalka Suudaan, Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaalkaasi ka qarxay dalka Suudaan
Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada Millateriga Suudaan iyo Xooggaga Gurmadka Deg-degga ah, ayaa Xukuumadda Somaliland ku baaqday in si deg-deg ah loo joojiyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo qoraal uu arrintaa kaga hadlay ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Somaliland waxa ay ka walaacsan tahay rabshadaha sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan & Ciidamada Gurmarka degdega ah. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah u joojiyaan rabshadaha, lagana fogaado wax kasta oo sii kordhin kara, sida ciidamo la geeyo, waana inay mudnaanta siiyaan wada-hadal lagu xallinayo arrimaha taagan.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa labada dhinac ku booriyay in xal nabadeed ka gaadhaan dagaalka.
Wuxuu sheegay in uu madaxda gobolka iyo Beesha Caalamkaba kala tashanayo in wada-hadal iyo dhexdhexaadin la bilaabo.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi, iyo ciidamo xoogga badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah, taasoo keentay cabsi laga qabo afgambi saddexaad oo afar sano gudahood ah inuu ka dhaco Suudaan.
Dhowr hoggaamiye oo kale, ayaa soo saaray bayaanno ku saabsan dagaalka Suudaan.
Waxaa ka mid ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken; Dr Workneh Gebeyehu, xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD; iyo Moussa Faki Mahamat, oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Dhammaantood ayaa waxay dalbadeen in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, isla markana xal nabadeed laga gaadho.









