Hargeysa (Arabsiyo) – Telefiishanka France 24, ayaa War-bixin ka diyaariyey qorshaha Qabashada Doorashooyinka soo socda.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Telefiishanka France 24 waraystay, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay qabashada dorashooyinka soo socda, Xukuumaddiisuna u diyaarisay 10 Milyan dollar, laakiin eedaha loogu jeedinayo inuu muddada u dheeraysanayo sida Kaligood Taliyeyaasha ay tahay sheekada Siyaasiyiinta, laakiin isagu Madaxweyne ahaan aaminsanayn Muddo korodhsiga.
“Xukuumaddaydu waxay Doorashooyinka u diyaarisay 10 Million Dollar, taasi oo ka mid ah Miisaaniyadda sanadkan. Waa keligii Taliye iyo wuxuu doonayaa inuu xukunka dheeraysto, Anigaa taa ma aaminsani, laakiin waa sheekada siyaasiyiinta..” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan, ayaa isaguna sheegay in dhammaan Diwaanadii Cod-bixiyeyaasha ee dhawaan la diwaangeliyey u diyaarsan yihiin, sidaa darteedna ay Komiishan ahaan ay diyaar u yihiin farsamo ahaan, isla-markaana ay qabanayaan marka siyaasiyan daneeyayaasha doorashadu isla qaataan.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa isaguna France 24 u sheegay in Madaxweyne Biixi aanu diyaar u ahayn inuu doorashada qabto oo uu doonayo inuu xilka ku sii hayo Muddo-korodhsi aan sharci ahayn.









